Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kulan isla-xisaabtan ah la qaatay maamulada degmooyinka gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta kulan gaar ah oo isla-xisaabtan ah la qaatay maamulada degmooyinka iyo deegnada gobolka Banaadir kaas oo ka dhacay xarunta aqalka dowlada hoose ee Xamar.

Kulankan oo uu goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Banaadir ayaa qodobada looga hadlay waxaa kamid ahaa sugida nabadgalyada, la dagaalanka isticmaalka maandooriyaasha, ka hortaga rabshadaha, dib u furista wadooyinka sida sharcidarada loo dhistay, Kor u qaadista Nadaafada iyo isku xirka degmooyinka,