Xildhibaano katirsan Hirshabeelle oo ku dhaawacmay Qarax ka dhacay Jowhar

Qarax sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa goordhow ka dhacay magaalada Jowhar ee caasimadda Dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Sida uu noo xaqiijiyay wariyaha warabaahinta Qaranka uga soo waramo Magaalada Jowhar qaraxa ayaa ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay maqaayad ku taalo xaafadda kulmis oo ay fadhiyeen xubno xildhibaano ah.

Qarax ayaa waxa ku dhintay 1-qof Afar qof oo ay ku jiraan xildhibaan Cumar Gaabow iyo Yuusuf shaacir oo ka wada tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle way ku dhawacmeeyn

Lamaha amniga oo goobta gaaray aya wada howlagalo lagu xaqiijinayo amniga iyo cidii ka dambeysay qaraxsi lagu werary goobta ay fadhiyeen xildhibanada.