Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Puntland waxaa xalay lagu qabtay munaasadda xuska 8-da January oo ku beegan sanad guuradii labaad ee kasoo wareegatay markii la doortay Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka maamulka Puntland.
Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad goboleedka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ay weheliyaaan Guddoonka Golaha Wakiilada ayaa munaasabadda kaga qeybgalay hoolka cusub ee xarunta Madaxtooyada ee Garoowe.
Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qeybagalay Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, Ra’iisal Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdi Kariim Xuseen Guuleed, Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadeen, Madaxweynihii hore ee Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole, Xildhibaano ka mid ah labada Aqal ee DFS, goleyaasha maamulka Puntland iyo marti sharaf kale.
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa hadaljeedintiisa taariikhiga aheyd ee xalay ku xusay, waxyaabaha laga qabtay dhinacyada Amniga, maaliyadda, arrimaha bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha.
Madaxweynuhu wuxuu ku dhawaaqay in laga billaabo sanadka cusub Bisha koowaad ay dowladdu hirgelinayso mushaar kordhin ay u sameysay Shaqaalaha rayidka ah, taas oo aad loo bogaadiyey, Dowladda ayaa ugu kordhisay mushaharka Goleyaasha dowladda sida Wasiirada, Xildhibaanada iyo weliba Ciidamada.
Ugu danbeyn Madaxweynaha ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyey qaar ka mid ah Wasaaradaha iyo Hay’adaha kala duwan ee Puntland oo lagu abaalmariyey howlkarnimadooda.