Wasiirka Arrimaha Dibadda oo qaabilay Agaasimaha Guud ee Xafiis Goboleedka Ururka Iskaashiga Islaamka ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay Agaasimaha Guud ee Xafiis Goboleedka Ururka Iskaashiga Islaamku ku leeyahay Soomaaliya, Mudane Maxamed Bamba M. Boba.

Kulanka oo ahaa booqasho sharafeed, ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Agaasimuhu waxa ay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Ururka Iskaashiga Islaamka.