Wasiir Dubbe oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya

Wasiirka warfaafinta XFS mudane Cismaan Aboka Dubbe ayaa maanta Xaafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Alberto Vecchi, Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Alberto Vecchi ayaa Wasaaradda Warfaafinta Qaranka la qaysbsaday tacsidi Tiraanyada laheyd oo ah Geeridii ku timid alle ha unaxariistee Halyaygii iyo Geesigii jilibka u aasay soo noolaynta Codka Dowladd iyo ciribti Dacaayadaha malayshiyaadka Argagixisada ah Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika, Agaasimihii radio Muqdisho oo 20-kii Bisshii hore ku geeriyooday Qarax kooxda argagixisada ah ee al-shabaab ay ku weerareen.

Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska Sanator Cusmaan Abokor Dubbe oo ay weheliyaan Agaasimaha guud, Agaasima Waaxeedyada Qaarkood ayaa gudoomay dhambaalka Tacsida ah ee uga timid Jamhuuriyadda Talyaaniga.

Radio Muqdisho oo mar ku u hadali jirtay Afafka Soomaaliga iyo Talyaaniga waxaa dhidibada u taagay Dowladda Talyaaniga 1951, 9 sano ka hor intaan dhulka Soomaaliyeed xor noqon.

6 October ee Sanadkan Heshiis Ramsi ah oo ay kala saxiixdeen, Wasiirka Wasaaradda Warfaafint Qaranka iyo Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya ayaa lagu go’aamiyay in Raadiyoo Muqdisho lagu soo kordhiyo Luuqadda Talyaaniga oo horrey uga bixi jirtay Idaacadda xilliga dowladdii dhexe ee dalka.

Labada Dowladood oo uu ka dhexeeyo Xiriir qoto dheer oo wax wada qabsi ah ayaa iska kaashanaya Horumarinta Codka jamhuuriyada Soomaaliya oo uu majaraha u hayey Allah ha naxariistee Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika.

Danjire Alberto Vecchi ayaa xusay in Dowladda Talyaaniga wax wayn uga dhigantahay in Raadiyo Muqdisho dib looga Maqlo afka itaaliyaanka, Halka Wasiir Dubbe balanqaaday inay sodon sano kadib ka dhabayn doonaan riyadaas.