Madaxweynaha Puntland oo daah-furay hay’adda Maareynta Macluumaadka kheyraadka biyaha

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa daah-furay howlgelinta Hay’adda Maareynta macluumaadka Kheyraadka Biyaha iyo Dhulka Puntland.

Xaruntan ayaa ka shaqeyn doonta ururinta xogaha ku saabsan Biyaha sida roobabka, daadadka, saadaalinta cimilada, soo jeedimaha la xiriira maareynta masiibooyinka dabiiciga ah sida duufaanta, Abaaraha iyo daadadka.

Waa xaruntii ugu horeysay oo nooceeda laga hirgeliyo Soomaaliya, waxaana hadda laga soo wareejiyay Dalka Kenya halkaasi oo xarun u ahayd.

Madaxweynaha Puntland ayaa boggaadiyay shaqada wanaagsan ee la qabtay, Wuxuuna sheegay in sidoo kale xarunta ay ka faa’iideysan doonaan dhammaan maamulada iyo dadka Soomaaliyeed, isagoo muujiyay in Soomaaliya ay soo kabanayso ayna muhimtahay in ay lasoo wareegto xarumaha noocan oo kale ah ee banaanka uga maqnaa.

Hay’adda Maareynta macluumaadka Kheyraadka Biyaha iyo Dhulka Puntland, ee maanta shaqo bilowday waxaa ui Mudane Deni dhaggax dhigay Bishii 3-aad ee sanadkii 2019.