AGAASIMAHA GUUD EE MADAXTOOYADA OO KULAN LA QAATAY DANJIRAHA DOWLADDA SHIINAHA

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise ayaa kulan la qaatay Danjiraha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha u Qaabbilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane FEI Shengchao, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal.

Agaasimaha oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Danjiraha ayaa kala hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka soo-jireenka ah ee Dowladda Soomaaliya kala dhexeeya shiinaha, iyada oo la iska kaashanayo dhinacyada amniga, dhaqaalaha, horumarinta iyo guud ahaan danaha qaran ee Labada Dowladood.

Dhankiisa, Danjire FEI Shengchao ayaa soo bandhigay sida ay Dowladda Shiinaha uga go’an tahay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga taariikhiga ah ee kala dhexeeya Soomaaliya iyo ilaalinta midnimada iyo madax bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.