Taalibaan oo loogu baaqay in ay joojiyaan beegsiga ciidamadii hore ee Afgaanistaan

Mareykanka iyo dalal badan oo xulafo la ah ayaa ugu baaqay Taliban inay joojiyaan dilalka qorsheysan ee loo geysanayo xubno hore uga tirsanaan jiray ciidamada Boliiska iyo kuwa ammaanka ee Dalka Afghanistan.

War qoraal ah oo ay si wadajir ah u soo saareen madaxda Mareykanka kuwa Yurub iyo 2o- dowladood ayaa waxa ay kaga dalbadeen maamulka islaamiga ah ee Taalibaan in ay ixtiraamaan ballantii aheyd in aan la dhibaateyn dadkii la soo shaqeeyay dowladdi hore gaar ahaan madaxda ciidamada.

“Waxaan aad uga walaacsanahay wararka sheegaya in la geystay dilal kooban ,isla markaana ay maqan yihiin xubno ka mid ah ciidamada Boliiska iyo kuwa Amniga ee dowladdii hore”ayaa lagu yiri bayaankaasi.

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in la diiwaangeliyay in ka badan 100 dil iyo afduub loo geystay saraakiil hore oo ka tirsan dawladda Afgaanistaan tan iyo markii Taliban ay la wareegeen talada dalkaas ku dhawaad afar bilood ka hor.