Generaal Biixi “Wallaahi Askarigii qof shacab ah xabad ku rida tiirka Maxkamadda geyneynaa”

Taliyaha Ciidamada Dhulka Generaal Maxamed Tahliil Biixi ayaa ciidamada Dowladda uga digay in ay dhibaato u geystaan dadka shacabka ah, wuxuuna sheegay in askarigii qof shacab ah xabad ku rida in tiirka maxkamadda la geynayo.

“ Wxaaan rabaa halkan in aan uga faa’ideysto dhammaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed meel kasta uu joogo, ama ha noqdo mid ilaalo ah oo madax la socdo, qofkii qof shacab ah xabad ku rida wallaahi tiirka Maxkamadda ayaa geyneynaa,” ayuu yiri Generaal Biixi.

Sidoo kale, Generaal Biixi ayaa sheegay in habeenadan magaalada Muqdisho uu ka dhacayay falal amnidaro oo aad u fool, kuwaas oo qaarkood lagu dilay dhalinyaro waxbartay oo ubixii dalka ah, wuxuuna hoosta ka xariiqay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono askarii shacab dhibaateeya.

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa xalay sheegay in ay ha’adaha amniga gacanta ku soo dhigeen askar dilal ka geystay magaalada Muqdisho.