Wasiirka Caafimaadka oo kormeertay xarumaha caafimaadka ee Kismaayo

Wasiirka Caafimaadka XFS Drs. Fowziya Abiikar Nuur oo ay wehliyaan Wasiirrada Caafimaadka ee Dowlad Gobaleedyada dalka ayaa maanta booqday Machadka Tababarada Umulisooyinka ee Magaalada kismaayo iyo Xarumo Caafimaad oo adeegyo kala duwan siiya dadka danyarta ah.

Wasiirdda iyo wafdiga ayaa u kuurgalay Shaqada Caafimaad ee ay bixiyaan xarumaha Caafimaadka iyagoo dhanka kale kulamo la qaatay muumulka Machadka Umulisooyinka oo ka war bixiyay caqabadaha jira ee u baahan in la xaliyo.

Wasiirka Caafimaadka XFS Drs. Fowziya Abiikar Nuur ayaa uga mahadcelisay Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland dadaallada ballaaran ee ay ugu jirto dib usoo nooleynta adeegyada Caafimaadka xilli dalku uu ku jiro ladagaalanka Caabuqa Covid-19.