Ciidanka xoogga oo howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyay

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ay kaabayaan Millitariga AMISOM ayaa howlgallo lagu baacsanayo haraadiga Al-Shabaab ka fuliyay degaanno hoos taga Magaalada Baladweyne ee Caasimadda Gobolka Hiiraan.

Col; Xasan Jaamac oo ka mid ah Saraakiisha AMISOM ee qaybta ka ah howl-gallada ayaa sheegay inuu ujeedkoodu yahay sidii ay u cirib tiri lahaayeen haraadiga Argagixisada, kuwaasoo xubno ka mid ah ay dhici karto inay ku dhuumaalaysanayaan dhulka howdka ah ee miyiga Baladweyne.

Guddoomiyaha degmada Baladweyne, Cusmaan dhicisoow dhuuboow ayaa sheegay in howl-galkan uu wax badan ka baddalayo ammaanka Magaalada, wuxuuna sheegay inuu sii socon doono inta ay ka qabsoomayaan doorashooyinka golaha shacabka ee dhowaan la filayo inay ka dhacaan halkaas.

Magaalada Baladweyne ayaa isu diyaarineyso inay dhowaan marti-geliso qabashada doorashooyinka Xildhibaannada Aqalka hoose, waxaana si is-daba jooga halkaasi ugu soconaya howl-gallo lagu sugayo ammaanka guud.