Madaxweynaha Maamulka Jubaland oo kulan la qaatay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaliya

Madaxweynaha Dowlada goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Caetano Madeira, iyo masuuliyiin kale oo ka socotay howlgalka midowga Afrika ee AMISOM.

Kulankan ayaa lagaga wada hadlay howlgalada amni ee wadajirka ah iyo sidii la iskaga kaashan lahaa sugida amniga Doorashooyinka.

Waxaa kulankan Madaxweynaha kala qeybgalay Wasiirka amniga Mudane Janaraal Yusuf Xuseen Cismaan dhuumaal iyo sarakiisha hay’adaha amniga Jubaland.