Wasiir Duraan iyo safiirka Shiinaha oo kormeeray Xarunta laga hago diyaaradaha Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Jamhuuriydda Federaalka Soomaaliya Mudane Duraan Axmed Faarax iyo Safiirka Shiinaha u Fadhiya Soomaaliya ayaa Kormeeray Xarunta laga hago diyaaradaha Soomaaliya ee Garoonka caalamiga ah ee Aaden Cadde.

Sidoo kale, Wasiir Duraan iyo Safiir Shengchao waxaa kormeerka ku wehlinayay Shengchao, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Cali Gacal iyo Mareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka  Axmed Macallin.

Madaxda ayaa kormeerka kadib, kulan ay wada qaateen waxa uu safiirka Shiinuhu Sheegay in ay Dawladiisu garab taagan tahay Dawladda Soomaliya,islamarkaana ka taageereyso hormarinta ilaha dhaqaale e dalka, oo ay Ka mid tahay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

Wasiir Duraan aya uga mahadceliyey Safiirka Dawladda Shiinaha sida ay diyaar ugu yihiin taageerada shacabka iyo Dowladda Soomaaliya la garab taagan yihiin.