Ra’iisal wasaare Rooble oo Guddoomiye Cirro kala hadlay toosinta iyo hufnaanta doorashada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal Mudane Maxamed Xasan Cirro.

Ra’iisal wasaaraha ayaa guddoomiye Cirro kala hadlay toosinta iyo hufnaanta doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka iyo xaqiijinta in aan cidna lugu xadgudbin.

Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisal wasaare Rooble ayaa horay u balan qaaday in ay dalka ka dhaceyso doorasho xor iyo xalaal ah