Ammaanka magaalada Addis ababa oo aad loo xoojiyay

Iyadoo ay weli socdaan dagaallo u dhaxeeya ciidamada Jabhadda xoreynta Tigreega TPLF iyo ciidamada Itoobiya, ayaa la sheegayaa in Ciidamada Dowladda Itoobiya ay si aad ah u adkeeyeen Ammaanka magaalo-madaxda dalkaasi ee Addis ababa.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya ay fadhiisimo cusub ka sameeysteen degaanno aan ka fogeen Caasimadda si looga hortago weerarro kaga yimaado maleeshiyaadka falaagada ah ee TPLF.

Jabhadda TPLF, ayaa isbahaysi la samaysatay kooxo kale oo ay ka mid yihiin Jabhadda Xoraynta Oromada iyo maleeshiyaad kale oo ka dagaalama deegaano ku xeeran magaalada Addis Ababa.

Jabhadda Xoreynta Tigray-ga ayaa Todobaadkan ku dhawaaqday inay gacanta ku dhigeen deegaanka Shewa Rubet oo 220-km dhanka waqooyi-bari kaga beegan magaalada Addisababa, taas oo dowladdu aanay wali ka hadlin.