Xildhibaan Maareeye oo mar kale dib loogu doortay Golaha Shacabka.

Iyadoo ay xarunta Dugsiga Tababarka ciidamadda Booliska Gen.Kaahiye ka socoto doorashada 5-kursi ee xildhibanada Golaha shacabka ku matalaya deegaannada Gobollada Waqooyi(Somaliland) ayaa waxaa durba kursiga koowaad kusoo baxay Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo helay codad gaaraya 96, asigoo ka guulaystay murrashax C/raxmaan Warsame Saciid oo helay 3 cod oo kaliya.

Goobta doorashada ka socoto ayaa waxaa ku sugan Guddiga doorashooyinka iyo ergada wax dooranaysa. 5-kursi ayaa waxa ku tartamaya musharaxiin dhowr ah iyadoona kursiga kowaad ay ku tartameen musharixiinta kala ah Maxamed cabdi Xayir Maareeye iyo C/raxmaan warsame saciid oo doorashada looga guulaystay.