SINNAAN IYO CADDAALAD BAA SAFKA HORE LAGU TAGAA

Waxaan is weydiiyaa maxaa ka socda dunida maanta aynu joogno, markaan jawaabta aan helay u daadego waa laba uun Qolo ku dhibban siday u noolaan lahaayeen iyo qolo ka tashatay in ay dhibtoodaan.

Horumar sidiisaba waxaa saldhig u ah in la helo sinnaan iyo caddaalad.

Sidoo kale, waxaan isweydiiyaa annagoo supper power (Quwad weyn) noqon karna maxaa dunida saddaxaad nagu daray, safka dambe inaan mar walba ku jirno sad umaanan helin ee dalka sida haloo dhaamo soomaalaay nimaan dhididin ma dhergayee fadhiga ka kaca.

Gaarista himmilladeennu waxaa ka haray laba tallaabo oo aan horay u qaabdno oo keliya.

Su’aashu waxay tahay haddaad Saakay aragtay Saadambe maxay noqon? Waa il iyo aragti waa dheg iyo maqalkeed, saadaashuna waa guul.

Dal horumaray iskama hormarin ee dadaal buu ku gaaray, innagana ka ma xumine xilliga umbaa sheegidoona.

Soomaalida waxaa dunida looga yaqaannaa inay yihiin dad shaqeysta oo ganacsiga ku wanaagsan, waxayse barakadarrado ka jirtaa oo  la yaab ah in uu ganacsade kasta oo kis yar helay uu dhisay dal kale uusan lahayn maalgashina ballaaranna ku sameystay, Reer Banaadir waxay yiraahdaan ( Musbaax Mininkaada u baahan Minin kale lama geeyo).

Dalkaan wuu soo maray waqti la yiraado waagii beri samaadka, waagii beri samaadka, muxuu ahaa waagii beri samaadka?, wuxuu ahaa xilli ay soomaalida ku jirtay sida aan aniga u arko bash bash iyo barwaaqo laakiin, xukuumaddii milliteriga ay u bixisay xilligii musuq maasuqa taasina waxay ahayd arrimo siyaasadeed oo keliya, waxaa la weydiin karaa rug cadaayaasha weli nool dalkan siduu ahaan jiray.

Dalkeennu waxaa lagu sheegaa inuu yahay dal barwaaqo ah haddana waxaan aragnaa in la baahan yahay maxaa sabab u ah waa in wax leyska weydiiyaa.

dalka waxaa ka jira waxyaabo badan oo u baahan in wax laga qabto oo ay ugu horreyso in dhallinyarada raxan raxanta ah ee ka soo baxaya Jaamacadaha dalka sidii loogu abuuri lahaa Shaqooyin si  jeebkooda u cuslaado.

In qoysaska danta yar ee aan heli Karin nolol maalmeedka loo sameeyo ganacsiyo yar yar si ay ugu dabaraan howl maalmeedkooda.

Intaas iyo wax ka bandanna waxaa la heli karaa markii loo dhaqaaqo dhanka iyo wax soo saarka dadku waa inay u dhaqaaqaan tacbashada beeraha, kalluumeysiga, xoolo dhaqashada, xukuumaddana waa inay dhiirigelisaa kuwa ku haminaya in ay qotaan beerahooda.

Runtii markaad fiiriso social mediaha waxaad arkeysaa in ay jiraan dowlado ku fashilmay inay dalalkooda gaarsiiyaan caalamka haba u badnaadda madoow ee Afrika.

Raadinta quud maalmeedka waa mid qasab ku ah qof walba annagana qeyb baan ka nahay sahalkana Allaah baa iska leh, waxaanse islee yahay waxaa nagu yar  dadaalkii iyo baryadii  Ilaahey ee loo baahnaa, halkaana waxaa loo baahan yahay inleyska fiirsho, waayo ummadda Rabbigeeda ku caasisa ma liibaanto.

Sidoo kale, been abuurka carabta, Waxaan ka xumahay in carabtii shalay ay awooweyaasheen siin jireen mucaawinada iyo sakooyinka in ay maanta nagu jees jeesaan naguna tilmaamaan inaan nahay qoom ku caasiyay nimacadii ilaahey horay u siiyay, waxayna sabab uga dhigaan faqrigeenna tilmaamo xun oo ay ka mid tahay:

Soomaalidu waxay sameyn jireen marka uu u baahdo beerka neefka ama hargga neefka, waxay sameyn jireen gowrac oo beerka keliya ama maqaarka keliya laga rabo inta kalena way iska tuuri jireen, taasina ma u maleynayo inay tahay wax sal iyo raad ku leh dhaqanka soomaalida, waxayna ku habboonaan lahayd in dowladdeenna ay arrintaasi wax ka weydiiso culimada sidaas khudbeysay.

Waa xaqiiqo dunida haddaad u laciifto in laguugu tumanayo, been abuur iyo waxaan jirinna lagu dul saarayo.

Runtii haddaan taabto annaga maxaa sidan noo galay? jawaabta nin waliba meeshuu duuno dubbaha ha la dhacee waxay ila tahay inay ka mid tahay

  • Qabyaaladda: oo safka hore kaga jirta dalka
  • Caddaalad darrada: gaadhay halkii ugu sarreysay
  • Xakameynta Musuqa oo gaabis ah
  • Adkeynta amniga muwaadinka

Sidoo kale Waxaa Meesha ka maqan

  • Wacyigelina Bulshada: Siday wax u qabsan lahaayeen
  • U jaheynta dadka sidii wax soo saarka dalka
  • Baraarujinta dhallinyarada soo kaceysa
  • Baridda iyo ku barbaarinta Waddaniyadda
  • Jaceylka dalka dadka iyo diinta

Haddaba, xilligan waa xilligii fadhiga laga kici lahaa oona dareeri lahaa tacab iyo tacliin, dal aan intaas ka dhisminna filkiisa ma gaaro.

Dowladdu kaligeed wax ma qaban karto haddii aan lagu gacan siin howlaha wax qabadka ah, gaar ahaan kuwa arrimaha bulshada.

Balse waxaad ogaataa wax kasta oon ku dhisneyn ama lagu saleynin caddaalad iyo sinnaan bulsho waxay salkooda ahaadaan kuwo ku dhamaada fashil iyo fool xumo, taas ayaan ugu muhimsan in si weyn looga fiirsado, waayo dadka waxaa deeqa caddaalad si siman wax loogu qeybiyo, waa muhiim wacyigelin joogta ah.

Maamulkii militeriga soomaaliya soomaray wuxuu dalka ka dhisay goleyaal hanuunin oo dadka wax loogu sheegi jiray, kuwaasina ilaa hadda way dhisan yihiin badankood laakiin looma isticmaalo hadda sidii la rabay.

Dhaqdhaqaaqa iyo waxqabashada gacanteenna ayay ku jirtaa, balse waxaa loo baahan yahay in lala yimaado damiir adag kaasoo ku tusaya waxa aad heysato iyo waxa kaa maqan oo kaaga baahan in aad raadiso.

Aan hiigsano oo aan haweysano haddii Alle idmo Afarta sano ee soo socota in aan dunida kula korkortanno waxa aan hesanno iyadoo awoodda la saarayo sanadaha ugu horreysa ee afarta sano in la soo saaro shidaalka ku jira xeebteenna ballaaran.

Si dunida ay u beddesho fikirka maanta ay naga hesato, waa hubaal haddii laga dhabeeyo in shaqaale badan oo ajaanib ah dalkaan lagu arki doono, laakiin uu muwaadinku ahaado mulkiilaha loo soo shaqo tegay.

Waxaan arki jiray xilligii milliteriga qofka muwaadinka ah iyo qof shisheeye ah haddii ay arrin isku qabtaan, waxaa loo hiilin jiray qofka shisheeyahay oo muwaadinka ayaaba la xiri jiray sided ula hadashay ajnabiga way dhacday.

Laakiin hadda waxaan rajeynayaa in intaasi laga ilbaxay waana caalamadaha lagu yaqaanno qofka baahan iyo dal baahan.

Balse hadda waxaan leeyahay xaquuqda muwaadinka waa in la xafidaa oo ajaanibta dhuuniga soo raaci doonta loo jebinin muwaadinka dalka u dhashay.

Arrin aad u mihiim ahna waxaa ah in la sameeyo sharciyada socdaalka ee ajaanibta kala duwan ee soo geli doonta dalkeenna iyadoo loo eegayo sifo sharci ah.

Waa inaan la siinin shaqo ruux muwaadin ah qaban karo ruux shisheeye ah, sharuucda xudduudahana la adkeeyo iyadoo dalkeennu iska furan yahay bad iyo beeriba, waxaana dhici kara maalintii la maqlo soomaaliya ayay shaqo ka jirtaa in la arki doono kuwo badan oo xaduudaha ka soo gudbaya iyagoon wax sharci heysan, Sidaa daraadeed, waa in arrintaasina laga sii fiirsadaa.

WQ: Osman Dhiblaawe