Nin adduunyo joogay maxaa aragti kuu laaban, waxaan maqli jiray dal aadan lahayn dareen ku joog waaye, haddana dalweynaha soomaaliyeed miyaa noqday dareen ku joog?.
Dadoow Indhuhu waxbay arkaan, dheguhuna waxbay maqlaan, maskaxduna waxbay xeerisaa oo ururisaa, balse garaadku wuxuu kala dhex baxa waxa wanaagsan, inta xunna way keydisaa ama wey iska daysaa, balse waxaan aniga mar kale ku tiraabayaa Alle how naxariistee erayadii abwaan Yam Yam Soomaali baan ahay, Bal Ila xasuuso walaal
“Wakhtiyada Socdaalka, Ayaamaha silsiladda ah, Xilliyada bal suuree, Soo jire haddaad tahay, Sadarrada dib ugu noqo, Soomaali Waa Kumaa?
Hadal iyo dhammaan tiis “Inkastoon Sabool ahay, haddana waan sariigtaa, Sacabada ma hoorsado, Saaxiib niman nahay, Cadowgeyga lama simoo, Soomaali baan ahay”
Haddaba, waxaan heynaa maanta arrintaasi oo dhab ah, waa arrin dhalisay dood iyo af kala heyn badan, waa dhacdo ugub ah oo bar madow noqotay, barakicin abid kii ugu foosha xumaa ee ka dhaca dhulkeenna.
Bal ruux walbow idigu dib u fadhiiso oo arrintan gedgeddi xisaabtanna meel saar, ma waxay kula tahay in ay ku dambeyso siyaasad, ma waxay kula tahay in ay ka dambeeyso dowlad shisheeye, mase oran karnaa halkaa waxaa naga galay raadintii ictiraafka, maxaan ku tilmaami karnaa ma dhihi karnaa waa issir naceyb iyo jinsi faquuq, ma u aragtaa arrintan dhacday in ay tahay wax si ku talagal ah loogu dhaqaaqay oo aysan ahayn wax kama ku dhacay?
Si kastaba arrintu ha ahaatee, waa tiiraanyo culus oo ma hadho reeb ah iyo walahow qof walba oo u dhashay magacan qiimaha iyo qaayaha badan ee Soomaali ku dhacay.
Runtii Tarxiilka foosha xun ee ka dhacay laas caanood, ee welina lagu sii baaqayo in magaalooyin kale laga sii raafo, waa wax laga yax yaxay, waa wax laga qiiroodo inay sidaasi wax u dhacaan oo ganacsade war moog ah, caruur dugsi ka timid, hooyo uur leh ama umul ah iyo waayeel, isugeey dhammaan dadkii ahaa birimageydadii maganta ahayd in diginin la’aan sidaa loola dhaqmo, waa waxaan horay loogu riyoon, laakiin, ujeeddo kasta oo laga lahaaba waxaan leeyahay afkii dambaaba tubti wuu karaa, maahmaahiba waxay leedahay “Dahab lumay ninba si u doon doon”.
Walaalaha Soomaaliyeed ee arrintaasi ku dhiiraday, suurtagalkana ay ula noqotay waan ognahay waxa idinku riixaya oo idinka maqan, waxaanse leeyahay ka noqda walaalayaal tani waad la gafteen halkii aad la rabteen, natiijadeeduna waa fashil.
Waagii aan yaraa waxaan ciyaari jirnay wax loo yaqaan imbiliga oo afar xabo ah, waxaana la sameyn jiray waxa loo yaqaan shax oo ahayd ciid la god goday, waxaana qolo waliba qaadan jirtay tifaf u gaar ah, markaasaa labadii qolo midkood ayaa waxuu sameynayaa il duuf, markaas bay qoladii kale leeyihiin “qatifoow qoryahaaga guro”, oo macnaheedu yahay waad ilduufteen urursada tifafkiina oo macnaheedu yahay waan idinka badinay. taasi waxaan ku keenay qatifka ama ilduufku wuu jiraa ma qaldame waa ilaahay, laakiin waxaa halkaa taalla “Aslixii bayna akhaweykum”
Soomaalidu waxay tiraahdaa “Gef xumo geeri baa ka roon”, sidoo kale, Walaalkaa haddey candhuufi kaa gaarto gacantaa la raaciyaa, war gobannimo iyo geesinimo ayaa leysku ogaayee halkey si wax ka yiin oo baladu nooga timid?
Waxay ila tahay in magacu uusan nagu ahayn sheegasho ee uu yahay u dhalasho si kastood u tiraahdo ma ihina kaa ansixi meyso, kuma suurta galeyso ileen waxaad tahay ina hebel hebel ee halga fiirsado ficillada aan ku habbooneyn diinteenna iyo dhaqankeenna quruxda iyo sharafka Alle nagu muneystay.
Ma ogtahay magacaaga iyo muuqaalkaadaba in aad adiga mas’uul ka tahay
Waxaan leeyahay qof walba oo arrintan oo kale ku fakaraya ama ku farxaya sidan: “Adduunkaan intaad dul joogto darajo yar yareysi malaha, Hadduu Rabbi kuugu deeqay ha noqon ha noqon Doqon Kibir ku faanaa” Damane yaan laguugu xaman, Dulqaad weligaa lahow, Dadkaad xukuntana tixgeli, Sharciga daacad u ahaw Sharciga daacad u ahaw”.
Sidoo kale, shacabka aan walaalaha nahay waxaan leeyahay waxaad horay u tiraahdeen oo ah (Ummadda horin iyo noqota habar habar, kolley hibashiyo ma weydo huqdee, quluubta hal qura hohey ka noqda “Ninkii u hanweyn hoggaanka dalkow hankaadu, hankaadu ha dhaafo Reer Hebel” ogow kuwa aad tarxiileysana waa reer hebel.
Cidna uma banana inay ku xad-gudubto sharafta qof bani’aadan ah oo ilaahay karaameeyay, wehel kuu ah, magan kuu ah, Kuma bannaana dhan kastoo laga eegay arrintan lagamana yaabo inay soomaali isla qaadato iskuna raacdo tan oo kale.
Waa suurad xumeyn isirka soomaali, xitaa gaalada kufaarta ah kama suurowdo kamana dhacaan wax sidan u qaab daran, way ahaatay tani shaabaddaasina way sugnaatay, taariikh madowna way gashay.
Balse, Soomaali waxay tiraahdaa Caano daatay dabadood la qabay, xeerar wanaagsan baynu leenahay, way fiicnaan lahayda haddii wanaagga leysla qaato loona arko sidan u arko.
Gumeysiga dhibka uu nooga tegay ayay arrintan lugaha la galeysaa oo waan ognahay balse horeynu u diidnay in soomaali dib loo kala googooyo rag iyo dumar badan baana god ugu jira gumeysugna uu si fiican u yaqaanno.
Ruux walbow ogow, Magaceenna waa Soomaali Weyn, lamana sinna kuwa aad sheegtay, soomaalida waxay tiraahdaa haddii la doono hal mallaay baa bad dhan qurmiya
Waxaan ku talin lahaa haddii ay jiraan dad damqanaya weli kana xumaaday arrintan dhacday ileen dhiigga iyo dhalashadu biyo maahee, waa in shacabka soomaaliyeed ee birimageydada ah loo gurmadaa iyadoo laga caawinayo dhan walba iyo baahi walba oo ay qabaan.
Walaal jaceyl baa ka waday dhulkooda ay ku dhasheen iyagoo dalba inuu ilaahey siiyo risqi xalaal ah moodayay in ay tageen dhulkoodi iyo gurigoodi labaad, balse wixii ku dhacay waa wax taariikhda meel madow ka galay soomaalina aysan raalli ka wada ahayn.
Waxaan rajeynayaa inta fahantay wacyigelinteyda in ay ka dhiidhiyaan si aysan waxan oo kale ugu soo noqon dalweynaha soomaaliya iyo shacabka waxgaradka ah ee soomaalinimadu ku weyn tahay meel kasta oo ay dunida ka joogaanba, waa haddallo gaagaaban oo doqon ma garato ah, waa waano iyo wacyigelin lagu saxayo khaladaadka dhacay ee aan dhaxdeenna ku bannaaneyn.
WQ: Osman Dhiblaawe