Ciidamada Xoogga dalka oo ka qeyb qaadanaya gurmadka abaaraha

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa Biyo dhaamin u sameeyey qaar ka mid ah Bulshada ku dhaqan deegaano ka tirsan Gobolka mudug oo ay  Saamaysay abaarta daran, taas oo ku dhufatay qaybokKa mida goboladda Dalka Soomaaliya

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaliyeed ayaa Gurmadkii ugu horeeyay oo Biyo dhaamin ah ka bilaabay Gobolka mudug.

Dowladda Federaalka iyo Hay’adaha samafalka ayaa ka walaacsan abaaraha sida xowliga ah uga sii daraya ee dalka ka jira, saadaasha cimilada waxay muujineysaa in Soomaaliya ay qarka u saaran tahay in uu baaqdo xilli roobaadkii afaraad oo xiriir ah taas oo xaalad halis ah keeni karto marka la gaaro April 2022.