War-saxaafaded: Xaaladihii ugu dambeeyay ee Abaaraha Soomaaliya

War-saxaafadeed ku saabsan xaaladdihii ugu dambeeyay ee Abaaraha Soomaaliya oo ay wadajir u soo saareen Hay’adaha iyo Wasaaradda Gargaarka ayaa lagu sheegay in ay ka walaacsan yihiin abaaraha sida xowliga ah uga sii daraya ee dalka ka jira.

Saadaasha cimiladu waxay muujineysaa in Soomaaliya ay qarka u saran tahay in uu baaqdo xilli roobaadkii afaraad oo xiriir ah, taas oo xaalad halis ah keeni karta marka la gaaro April 2022.