Guddiga doorashooyinka heer federaal oo fariin u diray maamulada Jubbaland, Puntland iyo Hirshabeelle

Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa ugu baaqay maamul goboleedyada aan wali shaacin kuraasta ugu horeeya ee doorashada xildhibaanada golaha shacabka in ay si dhaqsi ah u bilaabaan doorashada, waxayna guddigu shaaciyeen in 25-ka bisha December ka daba mari doonin doorashada golaha shacabka.

Afhayeenka guddiga doorashooyinka heer federal,Axmed Safiina oo soo dhaweeyay liiska kuraasta ugu horeysay ee doorashada xubnaha Golaha Shacabka ee uu ku dhawaaqay maamulka Koonfur galbeed ayaa maamulada kale ee haray sida Jubbaland, Puntland iyo Hirshabeelle ugu baaqay in ay ku dhaqsdaan liisaska kuraasta ugu horeeya ee doorashada, wuxuuna hoosta ka xariiqay in dhammaan doorashada dalka 24-ka December la soo gabagabeyn doono.

“ Waxaan halkan fariin uga direynaa, saddexda maamul goboleed ee haray Jubbaland, Puntland iyo Hirshabeelle, inay ku soo dhaqsadaan liisaska kuraasta ugu horeeya ee doorashada, dhamaan doorashada dalka 24-ka December ka gadaal mari-meyso inshallah,” ayuu yiri Axmed Safiina.

Sidoo kale, Afhayeenka guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka Koonfur galbeed ee soo xulaya ergooyinka dooranaya 11-ka kursi ee la shaaciyay looga baahan yahay in ay si deg deg ah ugu soo diyaargarowbaan shaqa oo maanta sabti ah ka dhici doonta xafiiska guddiga doorashada ee magaalada Baydhabo si tababar loo siiyo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu hambalyeeyay Guddiga maamulka Doorashada Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed, Guddiga Doorashada Heer Federaal iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen) shaacinta 11-ka kursi ee ugu horreeyay ee Golaha Shacabka kuwaas oo dhawaan la qaban doono .