Wasiir Durraan Faarax oo gaaray Garoowe

Wasiirka Gaadiidka iyo  Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Durraan Axmed Faarax ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo qaybaha Bulshada ayaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha.

Socdaalka Wasiirka oo saddex cisho qaadanaya, ayaa muddada uu ku suganyahay Garoowe, wuxuu kullamo la qaadanayaa mas’uuliyiinta Puntland iyo qaybaha Bulshada.