Duqa Muqdisho oo qaabbilay wafdi heer sare ah oo socda Dowladda Finland

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane, Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar ku qaabbilay wafdi uu hogaaminayay Mr, Antti oo kamid ah madaxda Shirkada Forset Group oo ah shirkad Dowladda Finland u qaabilsan arimaha maareynta amniga.

Duqa magaalada Muqdisho Mudane, Cumar Filish iyo wafdigaan ka socday Shirkada Forset Group ayaa kormeeray qaar kamid ah xarumaha dowladda hoose ee Xamar oo ay kamid aheyd xarunta Taliska ciidanka ilaalinta degaanka, xarunta Gaadiidka, Isbitaalka Laasaleeti iyo xarunta Aqalka dowlada hoose si ay ugu kuurgalaan baahiyaha gaarka ah ee kajira goobahaasi.