Qeylo dhaan xooggan oo laga muujiyay abaaraha ku dhuftay Wajeer

Biyo la’aan baahsan oo ay dhaliyeen abaaro dabadheeraaday oo ka jira Gobolka Wajeer ee Woqooyiga dalka Kenya ayaa sababay waxyeello ba’an oo soo gaartay nolosha dadka iyo xoolaha la dhaqdo ee ku sugan halkaasi.

Kuleylka cadceedda oo aad u daran iyo biyo la’aan isbiirsaday ayaa warku sheegayaan inay sababeen dhimashada xoolo aad u badan iyo barakaca dad reer guuraa ah oo u hayaamay deegaanada leh biyaha sida magaalooyinka.

“72 sano oo nolosha ah, weligey ma arag wax sidaan oo kale ah,” ayuu yiri Ibraahim Cadow, oo ka mid ah dadka deegaanka Biyamadow, oo ku taalla gobolka Wajeer ee woqooyiga Kenya.

Odaygaasi ayaa sheegay in kala bar ay ka dhinteen xoolihiisii oo u badnaa lo’da,wuxuunata intaa raaciyay in inta soo hartay ay yihiin kuwo macluul ah oo aan laheyn cad iyo caano.

Afartii bilood ee la soo dhaafay qiimaha la kala siisto xoolaha,gaar ahaan lo’da ayaa hoos ugu dhacay 357 Doolar,waxaana manta abaaraha dartood ay marayaan 45 doolar.