Ra’iisyl Wasaare Rooble oo bogaadiyay dhismaha Waddada isku xirta Hobyo iyo Gaalkacyo

Ra’iisyl Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Dhuusamareeb kula kulmay wakiillo ka socday Guddiga dhismaha waddada isku xirta Gaalkacyo iyo Hobyo.

Mudane Rooble ayaa bogaadiyay sida habsamida leh ee ay howshu ku socoto, isagoo warbixin ka dhageystay wakiillada Guddiga dhisaya Waddada isku xirta Gaalkacyo iyo Hobyo, wuxuuna ku dhiirrigeliyay howsha muhiimka ah ee ay hayaan