Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray dib u dhis lagu sameeyay xarunta degmada Cabdicasiis

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane, Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xarigga kajaray dib udhiska lagu sameeyay xarunta degmada Cabdicasiis si loo ballaariyo adeegyada uu maamulka degmada gaarsiiyo bulshada degaanka.

Xarigjarka kadib ayaa duqa magaalada Muqdisho waxa uu kormeeray dhismaha cusub ee degmada si uu qiimeeyo fulinta mashruucan iyo tayadiisa isagoo mid mid u kormeeray xafiisyada kala duwan ee xaruntan iyo adeegyada lagu bixin doono, iyadoo dadka baahiyaha gaarka qabo loo sameeyay goob ay isticmaalan hadii ay adeeg usoo doontan xarunta degmada.