Kenya oo xirtay Toddobo kamid ah Saraakiisha ilaalada xabsiyada dalkeeda.

Toddobo kamid ah saraakiisha xabsiyada Kenya ayaa la xiray kadib markii saddex Maxbuus ay ka baxsadeen xabsi si weyn amnigiisa loo ilaaliyo oo ku yaalla duleedka magaalada Nairobi ee xarunta Kenya.

Maxaabiistan baxsatay waxaa kamid ah Maxamed Cali Abiikar oo ku xukunaa 41 sanno ,kaas oo lala xiriiriyay in uu ka tirsanaa Al-Shabaab, waxaana loo heystay weerarkii lagu qaaday jaamacadda Gaarisa sanadkii 2015, oo ay ku dhinteen ku dhawaad 150 qof.

Dowladda Kenya waxay sheegtay in heegan ay gelisay ciidamadeeda si ay gacanta ugu soo dhigaan saddex Maxbuus oo ka baxsatay xabsiga Kamiti oo si weyn amnigiisa loo ilaaliyo.

Kenya waxay sidoo kale sheegay in $178,000 doolar ay siin doonto ciddii keentay xog horseedi karto in gacanta lagu soo dhigo Raggan baxsaday.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Fred Matiang’i ayaa sheegay in dowladda ay qaadeyso howlgal ay ku baadigoobeyso Maxaabiista baxsatay.

“Waxaan qaadeynaa tallaabooyin wax ku ool ah si aan u xaqiijino in dayacaad noocan ah aysan ka dhicin xabsiyada mar kale” ayuu yiri Matiangi.

Sidoo kale maxaabiista maxsabatay ayaa la sheegayaa inuu kamid yahay Musharraf Abdalla Akhulunga, oo la xiray sanadkii 2012-kii kadib markii la fashiliyay isku day uu qeyb ka ahaa oo la doonayay in lagu waxyeelleeyo baarlamaanka Kenya iyo Joseph Juma Odhiambo oo horraan lagu qabtay xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, kaa sida la sheegay damacsanaa inuu ku biiro maleeshiyaadka argagixisada Al Shabab.