QM oo maanta ka shiraysa xaaladda Soomaaliya

James Swan oo ah wakiilka gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee QM, iyo madaxa AMISOM, Danjire Francisco Madeira ayaa warbixin ku saabsan Soomaaliya looga dhageysan doonaa kulanka Golaha ammaanka ee QM.

Kulanka ayaa la filayaa inuu qabsoomo maanta oo Arbaca ah 6:00 da Galabnimo xilliga Muqdisho wuxuuna ka dhici doona magaalada New York ee dalka Maraykanka.

James Swan iyo Danjire Francisco Madeira ayaa waxay QM kaga warbxixin doonaan arrimaha doorashooyinka Soomaaliya iyo xaaladaha Bini’aaddannimo ee dalka.