Wasaaradda Qorsheynta XFS oo daah-furta shirka wada-tahsiga qorshe howleedka 2021-2022

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha  Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa maantay ka daah-furtay  Magaalada kismaayo  Shirka wada-tashiga qorshe howleedka 2021-2022 ee Istaraatiijiyadda Qaran ee Xalka Waara ee dowlada gobaleedka Jubaland.

Wada-tashiga oo socon doonna  saddex cisho  waxaa diirradda lagu saarayaa diyaarinta qorshe howleedka Istaraatijiyada xalka waara ee dowlad gobaleedka  Jubaland, oo ay ka qeyb  galeen  Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Jubaland, Mudane Maxamed Cusmaan  Jaamac, Agaasimaha Xafiiska xalka waara ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Marwo Sahra Cabdi Maxamed, masuuliyiin k socday Urur gobaleedka IGAD,  xubna ka socda Wasaraadaha iyo hay’adaha ay quseeyso ee dowlad goboleedka Jubaland.

Shirka wada-tashiga  waxaa lagu gorfaynayaa  wax ka qabashada mushaakilaadka kala duwan ee dabiiciga ah sida abaaraha, Colaadaha iyo fatahaadaha  oo ah kuwa sababa in dadku barakacaan.

Marwo Zahra Cabdi Maxamed Agassimaha Xafiiska Xalka waara ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka ayaa faah-faahisay hadafyada uu xabaarsan yahay wadatashiga saddexda cisho ah ee ka bilowday maantay dowlad gobaleedka Jubaland.

“Waxaa farxad noo ah in aan soo gaarno Dowlad Goboleedka Jubaland oo noqonaya dowlad goboleedkii saddeexaad intii aan ku jirnay howsha diyaarinta Qorshe Hawleedka sanadlaha ah ee Dowlad Goboleedyada dalka aan u samaynaynay. Si loo fuliyo Istaraajiyadda  Xalka Waara ee Qaranka (2020-2024) waxaa lagama maarmaan ah in la diyaariyo Qorshe Hawleed sanad leh ah ee Xalka Waara wax looga qabanayo oo uu yeelan doono Dowlad Goboleed walba” ayey tiri Agaasime Sahra Cabdi.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Qorsheynta Jubaland  Mudane Maxamed Cusmaan  Jaamac ayaa  sharaxay muhiimadda ay u leeyihiin  Istaraatiijiyadda Qaran ee Xalka Waara ee dowlada gobaleedka Jubaland ee 2021-2022.

“Maantay waxaan u fadhino waa  diyaarinta qorshe howleed sanad leh ah oo laga samaynayo dowlad goboleedka Jubaland, taas oo shirka looga goleeyahay in xal rasmi ah looga gaaro xaaladda barakacaayasha dowlad goboleedka Jubaland, maadaama Jubaland tahay maamulka ay ku soo barakeceen dadkii ugu badnaa. Saraakiisha dowladda iyo hay’addaha shirka fadhiya waa dadkii ugu mudnaa  si ay u soo gudbiyaan Qorshe Howleed ku salaysan baahiyaha ay leeyihiin bulshada barakacday iyo kuwa dalka dib ugu soo laabanaya. Waxaa la idinka rabaa in aad maskaxdiina tuujisaan mudada saddexda cisho ah ee wadatashigu socdo si aad uga soo saartaan Qorshe Hawleed la gaari karo oo rasmi ah” Ayuu yari Wasiir Maxamed.

Xafiiska Xalka waara ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka waxaa ka taageerayaa barnaamijkaan Urur gobaleedka Igad-DRDIP iyo Baanka Aduunka (WorId bank). Iyada oo gaba-gabada wada-tashiga  kasoo baxaan  qorshe howleedka sanadka 2021-2022 ee gobaleedka jubbaland, tasoo waxtar u noqanayo sidii xal waara looga gaari lahaa Arrimaha muhiimka ee kor ku xusan.