Ciidanka NISA oo howlgal ku qabtay Saraakiil ka tirsan Argagixisada AL-shabaab

Ciidamada ammaanka gaar ahaan Ciidanka Hubaysan ee Duufaan ee NISA ayaa howlgal balaaran xalay ka fuliyay Degmooyinka Hawlwadaag, Yaaqshid iyo Ceelasha Biyaha. Ee duleedka magaalada Muqdisho.

Hawlgalkan ayey ciidamadu ku soo qabteen saddex ka mid ah Horjoogayaasha Alshabaab oo Deegaanka Ceelasha Biyaha ku dhuumaalaysanayey.

Sirdoonka Caasimadda waxay har iyo habeen u taagan yihiin sidii ay shacabka Soomaaliyeed uga badbaadin lahaayeen, ugana hor tagi lahaayeen dhagarta ay cadawgu maleegayo