Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo dib u howlgalisay xarunta caafimaad ee deegaanka gadoon oo Dhuusamareeb ka tirsan.

Guddoomiyaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug  Abdirahman Ali Mohamed “Geedaqorow”oo ay wehliyaan wasiiru dowlaha wasaarada Caafimadka Galmudug Ahmed Mire Ali “Faafale” iyo masuliyin kale ayaa socdaal shaqo ay ku tageen deegaanka Gadoon waxay halkaa dib kaga fureen xarun caafimaad oo mudo u xirnayd is qab qabsi dhanka maamulka ah taa oo bulshada deegaanka loogu adeegi jiray kadib markii ay xaliyeen khilaafkii kajiray gacan kuhaynta xaruntaasi.

Guddoomiyaha magaalada Dhuusamareeb  Abdirahman Ali Mohamed “Geedaqorow” oo ay garbihiisa taaganyihiin guddoomiyaha deegaanka Gadoon Abdiaziz Qooje ayaa sheegay in waxii hada ka dambeeya xarunta caafimaad si saxa loogu adeegayo bulshada deegaanka oo baahi wayn uqabtay xaruntaasi.

wasiiru dowlaha wasaarada caafimadka Galmudug mudane Ahmed Mire Ali “Faafale ayaa dhankiisa sheegay inay la xisaabtami doonaan cid walba oo isku dayda inay carqadaladayso adeega xaruntani bixinayso maanta laga bilaabo