Boqortooyada Midoowday ee dalka Ingiriiska ayaa xalay si rasmi ah uga baxday Midowgii Yurub,ka dib markii muddo afar sano ah ka hor ay shacabka dalkaasi u codeeyeen in UK ay ka boxdo Midowga Yurub,
Habeenimadii xalay waxaa soo idlaaday 11 bilood oo ahaa waqtiga kala guurka,iyadoo sanadka cusub ee 2021-ka uu curtay UK oo banaanka ka joogta xeyndaabka midowga Yurub .
UK kama shaqeyn doonaan sharciyada Yurub ee ay 50 sano u hogaansameysay sida ganacsiga xorta ah, maxkamada Yurub ,iskaashiga amaanka iyo dhanka socdaalka oo dadka Yurub ka yimaada ay joogi kareen kana shaqeysan jireen UK iyagoo aan dal ku gal u baahneyn.
Ra’isulwasaaraha UK Boris Johnson ayaa sheegay in UK ay heysato xoriyadeeda ayna arimaheeda u sameysaneyso si ka duwan oo ka wanaagsan sidii hore.
UK waxay MIdowga Yurub ku biirtay 1 Janaayo 1973,iyadoo dhinaca kale,Madaxweynaha faransiiska uu ka dhawaajiyay sheegay in UK ay ahaan doonto saaxiib iyo isbaheysi.