Guddoomiyaha cusub ee degmada Xamar-weyne oo manta xilka la wareegay

Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyi galinta Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed (Jaketti) ayaa maanta xilalka u kala wareejiyay kusimihii Guddoomiyaha Degmada Xamarweyne iyo Guddoomiyaha cusub ee loo soo magacaabay Degmada Xamar Weyne, Daahir Maxamed oo maanta ka dhacday Xarunta Degmadaas.

Guddoomiye Basma Caamir ayaa kula dardaarantay shacabka reer Xamar weyne in ay la.shaqeeyaan Guddoomiyaha cusub si uu u guto wajibaadka shaqo ee horyaala, iyadoo masuulka haatan xilka la wareegayna ku boorrisay inuu la yimaaddo howl-karnimo.