Duqa Muqdisho oo kormeeray xarumo ka tirsan Aqalka dowladda hoose oo uu ka socdo dayactir

-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta kormeer ku sameeyay dib-u-dhis ka socda xafiisyada Xarunta Aqalka Dowladda hoose ee Xamar,

Kormeerkan ayaa qeyb ka ah qorshaha maamulka Gobolka Banaadir ee dib-u-dhiska xarumaha danta guud ee loogu adeego Bulshada.