Ra’iisul wasaare Rooble oo maanta gaaray magaalada Balcad

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta safar shaqo ku gaaray degmada Balcad oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Dhexe.

Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehliyaan madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe), Wasiirka Amniga XFS iyo mas’uuliyiin kale, ayaa booqashadooda ugu kuurgeli doona xaaladaha amni iyo nololeed ee degmada Balcad iyo degaannada ku teedsan.

Ra’iisula Wasaaraha iyo Mas’uuliyiinta lasocota ayaa sidoo kale soo indha indhayn doona halka ay marayaan mashaariicda horumarineed ee halkaas ka socda sida dhismaha waddada laamiga ah ee xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar.