Soomaaliya oo ka qeyb galaysa shir looga hadlayo xaaladaha Ethiopia iyo Suudaan

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay dhawaan ka qeyb gasho shir looga hadlayo xaaladaha ka aloosan Ethiopia iyo Sudan oo ka dhacaya dalka Uganda.

Qoraal kooban oo uu bartiisa xiriirka bulshada soo dhigay Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo xiriirka caalamiga Soomaaliya , Maxamed Cabdirizaaq Maxamuud ayuu ku sheegay in 15-ka bishan uu magaalada Kampala ka dhici doono shir ay isugu imanayaan madaxda Urur goboleedka IGAD.

Kulanka oo looga hadli doono arrimaha ka taagan waddamada Itoobiya iyo Suudaan, ayaa sida wasiirku sheegay waxaa dowladda Soomaaliya uga qeyb geli doono madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shirkan oo ah mid muhiimaddiisa leh ayuu sheegay Wasiirku in lagu gorfeyn doono xaaladaha ka taagan dalal ay kamid yihiin Bariga Afrika, ayna muhiim tahay in laga yeesho siyaasad isku mid ah.