Guddiga doorashada Galmudug oo soo saaray jadwalka doorashada labada xubnood ee Aqalka sare ka harsan.

Guddiga Hirgalinta doorashada heer Maamul Goboleed ee Galmudug ayaa soo saaray jadwalka doorashada labada xubnood ee ka harsan Aqalka sare.

Diiwaan gelinta Murrashaxiinta ayaa loo qabtay labada maalmood ee soo socota, halka Hadaljeedinta murrashaxiinta iyo Doorashadana loo asteeyay maalinta Sabtiga ah ee ay Taariikhdu ku beegan tahay 13-ka November.