UK oo muwaadiniinteeda ku sugan dalka Itoobiya ku amartay in ay si deg deg ah uga soo baxaan

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Britain ayaa loogu baaqday muwaadiniinta ka soo jeeda UK ee ku sugan dalka Itoobiya in ay si deg deg ah uga soo baxaan.

Wasaaradda arrimaha dibadda Britain, gaar ahaan waaxda arrimaha Afrika, ayaa sheegtay in xaaladda ammaan ee Itoobiya ay sii xumaanayso, waxayna barteeda twitter-ka ku baahisay qoraal u dhignaa, “ muwaadiniinta Britain ee ku sugan Itoobiya waxaan ugu digaynaa inay u safraan gobollada kale ee dalkaas, waxaan faraynaa inay si deg deg ah ugu soo baxaan guud ahaan dalkaasi”.

Digniintan ka soo baxday Dowladda UK, ayaa kusoo aadaysa xilli dagaallada ka socda Itoobiya ay kusii xoogeysanayaan gobollada Waqooyi, iyada oo dowladana ay sheegtay in aan wax gorgortan ah la gali doonin kooxaha la dagaalamaya Dowladda.

Dhanka kale Taliyaha Ciidanka Jabhadda Oromada, Gal Moro, oo u waramay Wakaalladda Wararka Faransiiska, ayaa sheegay in Ciidamadooda ay ku sii dhawaanayaan Caasimadda dalka ee Addis Ababa, isla markaana ay isu diyaarinayaan inay si deg deg ah u soo afjaraan dagaalka ka socda qeybo ka mid ah dalka.