Boqollaal tahriibayaal ah oo lagu xinnibay xadka Poland.

Mas’uuliyiinta Dalka Poland ayaa sheegay in ay ka hortageen isku day boqolaal tahriibayaal ah oo doonayay in ay dalkaasi ka soo galaan dhanka bari ee dalka ay jaarka yihiin ee Belarus.

Mas’uul u hadlay dowladda Poland ayaa sheegay in xadka kala dhexeeya dalka Belarus ay geeyeen ciidamo dheeraad ah oo ka mid ah ilaalada xuduudaha iyo booliis si ay uga hortagaan kumanaan kale oo la tilmaamay in ay ku sii jeedaan xadka Poland. .

Muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya dad u sii socda dhanka xuduudka iyo qaar isku dayaya in ay jebiyaan xayndaabka ku sameysan xuduudda iyaga oo isticmaalaya bir iyo walxo kale.

Midowga Yurub ayaa ku eedeeyay maamulka magaalada Minsk ee Belarus inay ku dhiirigelinayso muhaajiriinta ka imanaya Bariga Dhexe iyo Afrika inay u gudbaan Poland, Lithuania iyo Latvia .