Shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawacyo oo ka dhacay gobolka Bari

Shil gaari oo  sababay dhimashada seddex ruux  iyo dhaawacyo dhowr ah ayaa ka dhacay inta u dhaxeyso deegaanada Dalwayn iyi Juriile oo ka tirsan Gobolka Bari.

Shilkan ayaa ka dhashay labo gaari oo isku dhacay , waxaan gawaaridaa saarnaa shacab rakaab ahaa , waxa uuna sababay khasaaro lixaad leh waxaana lagu soo warmayaa in uu shilkaan sababay dhimishada Seddex Haween ah oo gawaaridda saarnaa.

Dhaawacyadii ayaa la geeyey isbitaalada waxaana goobta shilka ka dhacay soo gaaray ciidamada Amniga ayagoo gurmad u fidiyey dadkii ku dhaawacmay Shilka.