Wasiirka Gudaha Oo Daah Furay Ansaxinta Siyaasadda Maamul Dedejinta Iyo Federaalaynta!

Gen.Mukhtaar Xuseen Afrax  Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka Xukuumadda Soomaaliya ayaa daahfuray ansixinta Siyaasadda Qaran ee Maamul Daadejinta iyo Federaalaynta Dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in muddo ay wasaaradu ku hawllanayd inay dhammaystirto xoojisana hannaanka Maamul Baahinta Dalka, si taas loo gaaro Wasaaraddu waxay isku hawshay inay dhammaystirto Siyaasadda Qaran ee Maamul Daadejinta iyo Federaalaynta Dalka, iyadoo la tashiyo la samaynaysa dhammaan hay’adaha dowladda heer Federaal, Dowlad Goboleed iyo Maamulka Gobolka Banaadir, si loo xaqiijiyo in geeddi socodkaan qayb laga ahaa.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa tilmaamay in ka Wasaarad ahaan ay ku dadaalayaan in la dhaqan geliyo hannaanka Federaalka iyo Daadejinta Maamulka Dalka si waafaqsan Dastuurka dalka.

Ugu dambayntii, Wasiirka Wasaaradda ayaa u mahad celinayay cid kasta oo gacan ka gaysatay dhammaystirka Siyaasaddan hay’adaha Dowladda iyo hay’adaha bah-wadaagta la ah Wasaasaradda