Janaalle Shacabka Ku Nool Oo Loogu Baaqay Ladagaallanka Argagaxisada!

Ururka 84aad, guutada 14-ka Oktoobar ee Xoogga dalka Soomaaliyeed Taliye Xigeenkooda Labo Xidigle Calli Mahdi Cabdi ayaa shacabka Janaale kula dardaarmay in kaalintooda ay ka qaataan dagaalka lagu Ciribtirayo argagixisada Kooxda Alshabaab.

Wuxuu si qoto dheer bulshada Janaale ugala hadlay muhiimadda ay leedahay in ay qeyb weyn ka qaataan sugida amniga deegaanka iyo dagaalka lagula jiro nabad-diidka Al-Shabaab.

Sidoo kale, Labo Xidigle, Cali Mahdi Cabdi ayaa shacabka deegaanka Janaale ee gobola Shabeellaha Hoose ku amaanay sida ciidamada xoogga ugala shaqeeyeen in laga hortago dhagarta ay Bulshada iyo ciidankaba u maleegaan maleeshiyada Al-Shabaab.

Ciidamada Xoogga dalka aya xaqiijiyay amniga deegaankaas oo hadda ka caagan falalka guracan ee nabad-diidka, waxayna dadka ku hoos nool yihiin harka nabada iyo Dowladnimada.

Argagixisada Al-Shabaab ayaa dhaqan xumada ay u geystaan shacabka ku waayay kalsoonida shacabka, taas oo keentay in xiriirka shacabka iyo argagixisada uu xumaado.