Kumaadowska Xoogga Dalka Oo Howlgallo ka Sameeyay G/Shabeellaha Hoose!

Kumaandooska DANAB, ayaa waxay howlgallo qorsheysan ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Ujeedada howlgalkan ayaa ahaa ciribtirka haraadiga maleeshiyada Al-Shabaab ee ku dhumaaleysanaya deegaano ka tirsan gobolka, kuwaas oo shacabka dhibaatooyin kala duwan u geystay.

Xoogga dalka ayaa howlgalkan si gaar ah kaga fuliyay deegaanada Tawakal iyo Daaruslaam oo dhammaatood hoostaga degmada Awdhiigle ee gobolka Shabeelahha hoose.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalkaan ayaa u sheegay warbaahinta Qaranka in howlgalka lagu bur buriyay gooba saldhigyo u ahaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaa oo shacabka ay kaga qaadi jireen Lacago baad ah.

Ciidamada Xoogga dalka ayaa kordhiyay howlgalada lagu baacsanayo nabad-diidka Al-Shabaab, si Shacabka degaanka ay ugu dul qadaan dhibata ay ku hayaan.