Wasiirka Gargaarka XFS oo magaalada Geneva kaga qebgashay shirka Arrimaha Bini’aadanimada

Geneva- Wasiirka gargaarka iyo maareenta masiibooyinka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwa khadiija Maxamed Diiriye iyo wafdi ay hogaaminayso ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland, kaga qeybgalay shirka arrimaha Bini’aadanimada oo ka dhacay Geneva.

Wasiirka ayaa shirka warbixin ay uga hadlaysay xaalada Bini’aadanimo ee Dalka Ka jeedisay iyadoona sheegtay in ay wanaagsan tahay xaalada bini’aadanmino ee dalka.

Soomaaliya ayaa sanadihii u danbeeyay guulo ka gaartay xaaladaha bini’aadanimo ee dalka kajira.