Guddiga hirgelinta doorashooyinka ee Jubbaland oo shaaciyey xilliga la qabanayo doorashada afarta kursi ee dhiman

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland ayaa  shaaciyey xiliga la qabanayo doorashada afarta kursi ee ka dhiman aqalka sare ee deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Jubbaland Dr. Siyaad Maxamed Mursal oo warbaahinta la hadalay ayaa sheegay in Maalinta Berito ah la diiwaangelin doono musharixiinta Aqalka Sare, halka Maalinta Khamiista ah ay dhici doonto doorashada Afarta kursi ee Aqalka Sare uga harsan Maamulka Jubbaland.

Madaxweynaha Dowlada goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa xalay soo gudbiyay liiska afarta kusi ee ka harsan xildhibaanada Aqalka sare ee kasoo galaya Dowlad Goboleedka Jubaland