Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho shaqo oo hal maalin ku tagay dalka Uganda, kaddib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda, Mudane Yoweri Kaguta Museveni.

Labada Madaxweyne oo yeeshay kulan laba-geesood ah ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo sii horumarin lahaa iskaashiga Soomaaliya iyo Uganda ee dhinacyada amniga, ganacsiga, la dagaallanka argagixisada iyo xasilloonida gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Museveni iyo shacabka Uganda garab istaagga ay u muujiyeen Soomaaliya iyo kaalinta ay Uganda ka qaadatay dadaallada nabadda iyo amniga dalka.