8 TALOOYIN OO KAA CAAWINAYA INAAD GAARTO YOOLALKAAGA

 

Qof kasta oo inaga mid ah Alle (SWT) waxa uu siiyay afar iyo labaatan saacadood (24hrs) maalintii. si kastaba ha ahaatee balse waxa farqiga ugu weyn samaynaya waa sida aad uga fa’iideysato waqtigaaga oo Alle si siman uu ugu manneestay Aadanaha.

Sidaas daraadeed waxaan idinla wadaagayaa 10 talo oo kaa caawin karto inaad si fudud ku gaarto yoolalkaada nololeed (life time goals)

1-Isticmaal Xeerka “Qabo Hal Mar” (one touch)

Xeerka “Qabo hal mar” wuxuu farayaa in aad dhamaystirto hawl ama mashruuc kaste oo aad ku bilawdid niyad kuna dhammaysid si niya ah, halkii aad bilaabi lahayd hawl oo aad uga tagi lahayd iyadoon dhameystirmin oo qabyo ah taaso kugu keeni karta niyad jab iyo wahsi kuuna horseeda guul darro nololeed. Haddii aad awoodo inaad ballan ku qaado inaad raacdo Xeerkan waxaa meesha ka saaraysaa dib u dhigista howlahaaga iyo mashaariicdaada.

2-Qor liiskaaga waxa aad qabaneysid (To-do list)

Qoritaanka hawlaha aad u baahan tahay inaad qabatid ama dhameystirkooda waa hab aad u fiican oo kaa caawinaya xussusinta hawlaha kuu yaal kaana dhigaayo qof habeysan oo u diyaar ah shaqo.

Marka liiska wax-qabadkaagu uu kuugu jiro kaliya maskaxdaada oo aysan kuu qorneyn hawshaas waa adagtahay inaad ka sal gaarto waayo waa iloobi kartaa, laakiin marka liiska wax-qabadka uu kuu qoranyahay waxay kuu noqoneysaa qorshe hawleed diyaar ah (action Plan).

3-Deji Yoolal Yar-yar (Set Small Goals)

Dejinta yoolal yar-yar waxay si weyn uga ka qeyb qaadan kartaa inaad si sahlan ku xaqiijiso yoolkaagii weynaa ee aad rabtay inaad gaarto waayo hawl kaste oo isbiirsato waxey keentaa natijo weyn, taana waxay kor u qaadaysaa wax-soosaarkaaga iyo kalsoonidaada.

4-Horay u sii qorsheey (Plan your work ahead)

Ka hor intaadan ka bixin shaqada maalintaas, horay u sii qorshey oo sii qor liiskaaga shaqo ee maalinta xigta.

Sii qorshaynta shaqada maalinta xigta waxay kuu ogolaanaysaa inaad maskaxdaada u sii diyaariso shaqada maalinta xigta, waxayna sidoo kale awood kuu siinaysaa inaad si sax ah u dhex gasho liiskaaga shaqo marka maalinta shaqadu bilaabato oo aad si sahlan isku hagto.

5-Jooji inaad qabato howlo badan halmar (Stop Multitasking)

Mar kasta oo aad u kala qaybiso dareenkaaga hawlo badan, wax soo saarkaaga iyo tayada shaqadaada ayaa hoos u dhacaysa waxaana hubaal ah inay hoos u dhac ku timaado shaqadaada.

Halkii aad hawlo badan hal mar qaban laheed, sii  dareenkaaga iyo waqtigaaga oo dhan hal hawl  si buuxdana u dhammaystir kadibna  u gudub hoosha xigta ee kuu taal.

6-Ku Bilow Hawsha kuugu  Adag (Eat the Frog first)

Haddii aad awooddo inaad si degdeg ah u dhammaystirto hawshaada ugu adag, Kadib waxaad awoodi doontaa inaad sii wadato maalintaada adigoo og in hooshii kuugu adkeyd aad meel saartay oo aad iska marisay. Qabashada hawsha ugu adag marka hore ee liiskaaga wax-qabad  waa hab wax ku ool ah oo kor u qaada kalsoonidaada taaso aad ku noqon karto qof wax-soosaar leh.

7-Yareey Carqaladaha (Avoid Distraction)

Haddii aad rabto in aad noqoto qof wax-soosaar leh, waxaa lama huraan ah in aad meesha ka saarto waxyaabaha kaa carqaladeyn karo howlahaaga sida: teleefoonka, booqashada aan qorsheysneyn, baraha bulshada iyo daawashada filimada iyadoo hawl kuu taal.

8-U deji waqti xaddidan (Set a deadline)

Howl kasta oo aad qabanyso waa inaad u xaddidaa waqti go’an oo aad hawshaas ku qabato, hadii kale hawshaas marwalba dib u dhac ayaa ku imaan doono. Waqti aad u xaddido howlahaaga waxey kor u qaadi kartaa wax-soosaarkaaga iyo inaad yeelatid go’aan adag.