61 xubnood oo ka tirsan Khawaariijta ayaa lagu dilay deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Ilaa iyo 61 xubnood oo katirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay tiro kalana waa lagu dhaawacay howlgal qorshaysan oo ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen beero ku yaala duleedka deegaanka Xawaadlay ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalkaan ayaa lagu beegsaday maleeshiyaadka Khawaarijta oo lagu qiyaasay 150, oo doonayay inay weeraraan ciidanka xoogga dalka iyo geesiyaasha deegaanka ee ku sugan Xawaadlay iyo Gaadiid Qaraxyo ay ku xireen kuwaasi oo ay ku diyaarinayeen beero dhexdooda.

Laba gaari oo ahaa Homey iyo Noah ay ku xireen waxyaabaha Qarxa oo ay qorshaynayeen inay soo galiyaan magaalada Muqdisho ayaa lagu burburiyay howlgalka.

Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed waxay ka foojiganyihiin dhagar kasta oo shacabka kaga imaan karta Khawaarijta lagu jabiyay dagaaladii tooska ahaa oo ay la galeen Ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha Shacabka Soomaaliyeed.