50 ka mid ah xaq u dirirka deegaanka kuwaas oo kasoo kabtay dhaawacyadii kasoo gaaray dagaalka khawaarijta oo la sagootiyey Muqdisho

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladd Goboleedka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka sagootiyey 50 ka mid ah xaq u dirirka deegaanka (Macawiisleey), kuwaas oo kasoo kabtay dhaawacyadii kasoo gaaray dagaalka lagula jiro Khawaarijta.

Qaar ka mid ah xubnaha Ciidamada Deegaanka ee maanta u safray magaalada Buuloburte ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Hirshabeelle uga mahadceliyey daryeelka caafimaad ee loo fidiyey, iyagoo dib ugu laabtay furimaha dagaalka, dibna ula midoobay qoysaskooda oo muddo ay kala maqnaayeen.