bisha barakeysan ee ramadaan ayaa waxaa si xooggan looga dareemayaa suuqada waa weyn ee magaalada muqdisho, waxaad bulshada Soomaaliyeed ku arkeysaa suuqayada ayaga oo iibsanaaya raashinka iyo khudaarta kala duwan.
Magaalada muqdisho waa santarka isku xirta ganacsiyada kala duwan ee dalka waxaana ay ganacsiyada muqdisho ka baxa aadaan gobolada Koonfurta iyo bartamaha soomaaliya waxaana ku tiirsan bulsho aad u tira badan oo ku nool gobollada dalka iyo magaalada muqdisho duleedka.
Suuqa bakaaraha waa suuqa ugu weyn ee soomaaliya waana suuqa ay u soo adeegtagaan bulsho aad u tira badan bisha Ramadaan aad ayaa loo soo cimaray suuqa bakaaraha waxaana ay dadka Soomaaliyeed ay doonayaan in ay iibsadaan Raashin, macuun iyo waxyaabaha ay u baahan yihiin si ay ugu suumaan bisha barakeysan ee ramadaan .
Sidoo kale gobolada dalka ayaa iyana laga dareemayaa bisha Ramadaan waxaana ay suuqayada gobolada dalka buux dhaafiyey shacab aad u badan oo doonaya soo iibsashada waxa ay ku soomi lahaayeen bisha barakeysan ee ramadaan.
Bisha Ramadaan waa mid ka mid ah tiirarka islaamka waana tiirka afaraad ee islaamka bisha Ramadaan waa bil cibaado waabil kheyrkeeda iyo raxmadeeda wadato waana bil qof kasta cajisan caajiska Alle oga qaado waana bil xurmo badan muslimiinta oo kaliya ayaa suuma bisha Ramadaan.
Ugu danbeyn Bulshada Soomaaliyeed waa bulsho jecel kheyrka iyo wanaaga waana bulsho iscaawisa keeda wax haysta siiya Kan aan wax haysan, waana bulsho la saaxiib ah cibaadada Alle SWT kuna dhaqma sunnada Rasuulkeena Muhammed NNKH uu inoo soo jideeyay.
WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan